Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

0
524

Shilkaan gaari oo uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka UNISOM oo ku yaalla duleedka Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug.

Shilka ayaa yimid ,kadib markii uu wadada ka baxay,isla markaana uu fariin goostay gaari nooca loo yaqaano Fiiler oo ku wajahnaa Dhuusamareeb,waxaana ku dhintay hal ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay,kaas oo lagu daweynayo Isbitaalka dhuusamareeb.

Qofka dhintay ayaa dad ku sugan Dhuusamareeb waxaa ay sheegeen in lagu Magacaabi jiray Maxamed Nuur Alifle halka uu ku dhaawacmay Nabadoon Ciise Maxamuud “Lugeey” oo ka Mid ah Odayaasha Magaalada Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa u gurmaday gaariga shilka galay,kuwaas oo dhaawaca iyo meydka keenay Magalada Dhuusamareeb.