Kumanaan Arday oo maanta u fariisanaya Imtixaanka mideysan ee shahaadiga

0
646

Kumanaan arday oo sanadkan ka baxaya Dugsiga Sare ee dalka ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanka mideysan ee shahaadiga, kaasoo si wadajir uga bilaabanaya gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka.

Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee shahaadiga.

Imtixaanka Dugsiga Sare ayaa ka bilaanaya deegaanada maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo Gobolka Banaadir, waxaase ku jirin Maamulka Puntland iyo Somaliland oo horay uga dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Illaa 77 goobood ayaa lagu qaadayaa Imtixaanka dugsiga sare ee shahaadiga, sida gobolka Banaadir iyo xarumaha maamul goboleedyada.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka mideysan ee shahaadiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo kala duwan.

Waa sanadkii 3aad ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso Imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, sanadkii 2015 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda qaado Imtixaan mideysan muddo 25-sanno kaddib.