Ciidamada ammaanka Puntland gaar ahaan Gobolka Bari ayaa tan iyo bishii September waxay gacanta ku soo dhigeen rag gudaha iyo daafaha magaaladda Boosaaso ka geystay kufsiyo waqtiyo kala duwan.
Saddex kiis oo ka mid ah kusigaas haweenka ayaa la horgeeyey maxkamadda iyadoo lagu riday xukuno sanooyin ah.
Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ayaa waxay gacanta ku hayaan Saddex kiis oo kale oo kufsi la xiriira.
Taliyaha Saldhiga Bartamaha magaaladda Boosaaso Gaashaanle Sare Yuusuf Axmed Ciise ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka ay sidoo kale ku daba jiraan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmaayo Kufsi.
Degaanada maamulka Puntland ayaa inta badan waxaa ka dhaca Falal Kufsi ah oo Hay’adda Ammaanka ay tilaabo ka qaadaan Shaqsiyaadka dambeeya, waxaana ka mid ah Kiiska Wali socda ee Caaisha Ilyaas.