Laba Sano kadib qarixii Soobe Oo Maanta la Xusayo

0
562

Maanta oo kale 14-kii October sanadkii 2017 Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska soobe oo loo bixiyey 14- October waxa ka dhacay qarixii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca,waxaana haatan laga joogaa mudo laba Sano ah.

Qaraxaas ayaa waxaa ku waxyeeloobey  in ka badan 1000 qof, iyada oo qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,waxaana dadka ugu badan ay wax ku noqday ay ahaayeen dad Ganacsiyo Isgoyskaasi ku lahaa iyo kuwo wadada marayay.

Hadaba sanadkii labaad ayaa la dhigayaa xuska xasuusta qarixii Soobe, iyada oo maamulka gobolka Banaadir uu soo qaban qaabiyey xuska Maalintaan,isla markaana siwyen looga dareemayo Magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda iyo kuwa Gobolka,ayaa saakay ku howlan ka qeybgalka xuska 14-ka Oktoobar oo maalin Madow u ah dadka Soomaaliyeed.

Dadweyne  fara badanayaa sidoo kale isu diyaarinaya saaka xuska Qaraxii weynaa ee 14kii October ee sanadkii hore maanta oo kale ka dhacey Isgoyska Soobe ee M/ Muqdisho.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxaana xiran Maanta qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa idin diyaarisay warbixino ku saabsan laba sano kadib qarixii soobe,waxaadna ka daawan kartaa Baraha aan ku leenahay dhinaca Internet-ka sida Facebook & www.youtube.com