Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0
456

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaleeyey Ra’iisul Wasaaraha itoobiya oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize.

Qoraal hambalyo ah oo uu Madaxweyne Farmaajo soo hdigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in guushaan ay timid,kadib markii uu ku guuleystay iskaashiga wadamada Gobolka.

 

 

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraga Itoobiya Abiy Axmed oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize,wuxuuna ahaa sanadkaan mid u qalba in uu ku guuleysto,kadib iskaashigii uu ka sameeyey wadamada Gobolka ayuu yiri”Madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha itoobiya  Abiy Axmed  ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda ee Oslo,waxaana tani ay ku timid sida la sheegay heshiiskii uu la gaaray dowlada Eritrea.