Xiisad Ka Taagan Magaalada Beledweyne Iyo Ciidamo La Wareegay Xarunta Maaliyadda

0
482

Ciidamo gadoodsan oo ka cabana Mushaar la’aan dhowr bilood ah ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen xarunta Canshuuraha Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,iyada oo halkaas ay maanta ka taagantahay xiisad ka dhalatay arrintaas.

Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta maaliyadda Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in ay yihiin ciidamo booliis ah oo ka mid ah kuwii sugi jiray amniga magaalada iyo xarunta Canshuuraha.

Weriyaha Idacada dalsan ayaa soo sheegaya ciidamadu weli in ay ku suganyihiin halkaas isla markaana ay sheegeen in aysan shaqeyn doonin xaruntaan inta ay ka helayaan mushaarkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kalana maamulka magaalada Beledweyne ilaa iyo haatan kama uusan hadal arrintaan,waxaana weli kacsan xaaladda magaalada iyada oo dhowr xarumood  ay la wareegeen ciidamadaan gadoodsan.