Guddiga doorashooyinka Qaranka oo sheegay in ay Caqabado heystaan

0
554

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in Caqabado dhinaca shaqada ay ka heystaan Xafiiska ay ku dhex leeyihiin Madaxtooyadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismaaciil ayaa sheegtay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ugu baaqayaan in ay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka heysta Guddiga.

Waxa ay sheegtay Baaxadda Shaqaallaha iyo Xarunta lagu shaqeeyo in aysan isku mid aheyn, sidoo kalena aysan heysan goobtii loogu tala galay in Guddigu uu ku shaqeeyo.

Waxa ay sheegtay Maadaama Xafiiska guddiga uu ku dhex yaallo Madaxtooyadda in ay ku adkaatay in dadweynaha iyo xisbiyadda ay soo booqdaan Xarunta Guddiga.

Qaar ka mid ah xisbiyadda dalka ayaa horay walaac uga muujiyay Shaqadda Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ay sheegeen in uu yahay mid  Madaxtooyadda Soomaaliya hoos tagga.