Guddoomiyaha G/Hiiraan oo ku baxay Shaqaaqadii ka dhacday Jalalaqsi

0
517

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo laba maalin ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyey Ciidamada Jabuuti oo kamid ah AMISOM iyo Ciidamada Booliska degmadaas,kadib markii ay isku khilaafeen in hawada laga saaro Subaxdii hore Isgaarsiinta Magalada,xilli Ciidamada AMISOM ay howlgal miino baaris ah fulinayeen.

Dagaalkii ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa waxaa uu sababay in dhamaan Xarumihii uu ku Shaqeeynayay Maamulka degmada ay la wareegaan Ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa markii uu tago Jalalaqsi waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka degmada si loo xaliyo shaqaaqadii dhex-martay.

Waa markii ugu horeysay ee Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu safar ugu ambabaxo mid kamid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan tan iyo markii la xilkaasi loo Magacaabey.