Dhageyso:-Guddoomiye Filish oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dadka qaar ee Muqdisho

0
557

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay in uu sugo Amniga Caasimadda,isla markaana sidoo kale Muqdisho uu ka dhigo Magaalo bilicdeeeda ay wanaagsan tahay.

Cumar Filish oo ka hadlayay Munaasabad lagu soo dhaweeyey oo Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in Amniga uu maamulkiisa kaalinta koowaad ugu jiro sidoo kale ay la-dagaalami doonaan dadka diidan Canshuurta iyo kuwa sida qaldan u isticmaala.

Waxaa uu soo hadal qaaday Arrimaha nadaafad-darrada ah ee ka jirta Magalada Muqdisho,waxaana uu iska fogeeyey arrintaasi,saga oo sheegay inay jiraan Shirkado qaabilsan nadiifinta Magalada,isla markaana ruqsado ka heysta Maamuladii ka horeeyey.

“Waxaan rabaa hal arrin oo muhiim ah inaan sheego si fiican ii dhageysta,nadaafad-darro ayaa jirta ayaa laga dhawaajiyey,waxaa jira Shirkad qaabilsan nadaafada,maamuladii iga horeeyey ayaa ruqsad siiyey maamulaheedii ayaa halkan fahdiya,isaga ayaa laga rabaa in uu balan qaad sameeyo ayuu yiri”Guddoomiye Cumar filish.