MANDHEERA( RADIO CADAADO)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cumar Jilicow oo ka tirsan Degmada Mandheera ee dalka Kenya.
Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Cumar Jilicow ayaa waxa ay ku dileen Gudoomiyihii deegaankaasi,waxayna ku qafaasheen 2 Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Boolsika dalka Kenya,Kooxda weerarka qaaday ayaa beegsatay Guriga Gudoomiyaha deegaankaasi oo goobta ku geeriyooday.
Askari ka mid ah Booliska Kenya oo xiliga weerarku dhacayey ku sugnaa deegaanka Cumar Jilicow ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation ee dalkaasi Kenya in Al-shabaab ay weerarka ku bilaabeen Guriga Gudoomiyaha deegaankaas iyaga oo intaa kadib beegsaday Saldhiga Booliska.
Askarigan ayaa intaa ku daray inuu iskaga cararay goobta,wuxuuna xaqiijiyey in Al-shabaab ay nolosha ku qafaasheen 2 Sarkaal oo Kenyan ah,Ciidamo gurmad ah oo ka socda dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka Cumar Jilicow oo 16-KM u jira Magaalada Mandheera waxayna halkaa ka wadaan baaritaano.
Al-shabaabkii weerarku ku qaaday deegaanka Cumar Jilicow ayaa lasoo aaday Askarta Kenyanka ah ee ay soo afduubteen dhanka Soomaaliya.