Wasaarada Arrimaha gudaha ee dowlad federaalka Soomaaliya ayaa shaley soo saartey qoraal ay kaga hadashey waxa ay ugu yeertey habraaca soo xulista xubanaha baarlamanka labaad ee Jubaland iyo doorashada madaxweynaha maaamulkaas
Qoraalkan ayaa soo baxay xili uu horey maamulka Jubaland u diidey qoraalada wasaarada iyo dowladaba, islamarkaana qabtay doorasho dib loogu doortay Axmed Madoobe.
Dowlada federaalka ayaa qaadey talaaboyin dhowr ah oo ay ku cadaadineyso maamulka Jubaland, kuwaas oo qaarkood saameyn ku yeeshey shacabka degen Jubooyinka, sidoo kalena dhalisey culeys laga maarmi karey oo bulsho iyo siyaasadeed.
Qaar ka mida waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa arrimahan ka digey saameynta ay yeelan karaan iyagoo ku taliyey in wadahadal wax lagu dhameeyo.
professor Xuseen Warsame ayaa ka digey saameynta ay yeelan karo khilaafkaas,isaga oo ku taliyey in wadahadal wax lagu dhameeyo.