Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Awdheegle

0
543

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Degmada Awdheegle,waxaana uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halkaas.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalkaas uu ahaa mid Culus,isla markaana Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka dowladda ee Awdheegle,waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka,hayeshee si rasmi ah looma shaacin inta uu la egyahay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba Al-shabaab ayaa xiliyada qaar weeraro kala duwan ku qaada Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolada dalka,kuwaasi oo sababa Khasaarooyin kala duwan.