Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Germany gaaray

0
509

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Germany, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Turkiga, halkaasoo uu kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay Maalgashiga.

Waxaa uu la kulmi doonaa inta joogo Jarmalka Hay’addaha taageera maamulka Puntland.