Munaasabado uu Xisbiga Daljir ku weyneynayay Maalinta dhallinyada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayna kasoo qeyb galeen mas’uuuliyiin ka tirsan labada aqal ayaa gelinkii dambe ee shalay iyo xalay waxa ay ka kala dhaceen xarunta dhexe Xisbiga iyo Hotel Makkah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa waxaa soo qaban qaabiyay garabka dhallinyarada Xisbiga, waxaana ka soo qeyb galay madaxda Xisbiga iyo mas’uuliyiin kale.
Munaasabadda xalay lagu qabtay Hotel Makkah Al Mukaramah ayadana waxaa soo qaban qaabiyay madaxda ugu sareysa ee Xisbiga, ayadoo lagu soo bandhigay waxqabadkii halyeyadii 13-ka ahaa ee SYL, waxaana dhallinyada maanta lagu booriyay in ay ku daydaan oo u istaagaan badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay ka fursado badan yihiin halyeyadii SYL.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka socday Isbaheysiga Axsaabta siyaasadda Soomaaliyeed, guddomiye ku xigeenada 1-aad, 2-aad ee Xisbiga Daljir Xasan Xaaji Ibraahim iyo Axmed Xassan Aadan iyo marti sharaf kale ayaa munaasabada kasoo qeyb galay hadalo goobaabo u badnaana u jeediyay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Xisbiga Daljir ayaa ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee dalka ka jira, waana xisbi saameyn ku leh labada Aqal ee Baarlamaanka.