Xubnaha Wakiilada Caalamka ee ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa waxaa ay inta badan ka hadleen khilaafka xilligaan u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.
Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiga Soomaaliya Ambassador Donal Yamamoto ayaa ka hadlay Arrimaha khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayuu ka hadlay,isaga oo dhowr mar ku cel celiyay in dowladda ay muhiim tahay inay diyaariso siyaasad mideysan oo loo dhan yahay lagana gudbo khilaafka Jubbaland.
Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador james Swan ayaa dhankiisa sheegay in waqtigaan xal buuxa laga gaaro khilaafka dwoladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Dowladda Faransiiska Wakiil u hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in ay rabaan deganaansho siyaasadeed, iyada oo dul istaagtay Arinta Jubbaland ee sababta wada-shaqeynta dowladda Federaalka.
Baaqyadan kala duwan ee ka imaanaya Xubnaha Beesha Caalamka ee ku aadan xalinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaanan weli wax jawaab ah ka bixi dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.