Somalia oo ka qeyb-galeysa shir ay leeyihiin Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka

0
552

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda aadanha ee Xukuumadda  Somaaliya Deeq Saleemaan Yuusuf ayaa waxaa ay gaareen dalka Sacuudiga, iyaga oo halkaasi shir uga qeyb-galaya.

Wafdiga oo maalmahaan ku sugnaan doonaan dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay ka qeyb-geli doonaan shirka khubarada Wasaaradaha Haweenka ee Iskaashiga Ururka Wadamada Islaamka oo dhowaan ka furmi doona magaalada Jiddah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda aadanha ee Xukuumadda  Somaaliya Deeq Saleemaan Yuusuf ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid Soomaalya uu muhiimad weyn u leeyahay horumarinta Wasaaradaha Haweenka iyo ilaalinta Qoyska ee dunida Islaamka.

Agaasimaha ayaa inta uu ku suagn yahay magaalada Jiddah ee wadanka Sacuudi Carabiya waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madax ka tirsan dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool Sacuudi Carabiya.