Xiisad u dhaxeysa laba maleeshiye beeleed ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka taagantahay deegaano hoos taga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaas oo dad lagu laayay.
Waxa ay ka dhalatay xiisadaan kadib markii mmaleeshiyaad hubaysan ay deegaan duleedka ka ah magaalada Matabaan ay ku dileen ku dhawaad 5-ruux iyaga oo goobta iskaga baxsaday.
Wararka maanta laga helayo halkaas ayaa tilmamaaya in ay jirto saan saan colaadeed iyada oo dadka la dilay aano qabiil uu la xiriiro dilkooda,maamulka Hirshabelle iyo Odayaasha deegaanku ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin arrintaan.