Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Shirka todobaadlaha

0
450

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir Gudoomiyay Kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah Mid Todobaadla ah Kaas oo Looga Hadlo Xoojinta Horumarka Caasimadda iyo islaxisaabtanka Waxaana isugu yimaada Hogaanka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Degmooyinka.

Dhowr ajando ayaa Shirkani Looga Hadlay oo ay Kamid ahaayeen Xoojinta Amniga, dhaqan Galinta Go’aankii Duqa Magaalada Muqdisho ee La Xariiray Dib u Furista Wadooyinka Muqdisho ee Xiran, Nadaafa, Sportska iyo Canshuuraha.