Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab in ay ku dileen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Degaanada Ceel Saliini iyo Gedershe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Saraakiisha Ciidanka xoogga ay warbaahinta u xaqiijiyay dilka xubnahaan ka tirsan Al-Shabaab.
Dilka ayaa yimid ka dib markii Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen xarun Al Shabaab ku sugnaayeen.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashadda Ciidanka dowladda ee ku sugan Shabeelaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ay ku qaadeen degaanka Ceel Saliini ku dilay Ciidamo badan sidoo kalena qaatay gaadiid ay leeyihiin Ciidanka.