Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa nooca dhulka la geliyay,waxaana Guddoomiyaha iyo Kolonyada uu la socday lagula eegtay xili ay marayeen duleedka Magaalada Muqdisho,iyago oo ka soo laabtay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye Shuute iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xalay ku hoyday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini ee duleedka Magaalada Marka,halkaas oo dhawaan weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen Al-shabaab.
Ilo dhanka Amaanka oo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha Maxkmadda uu nabad qabo,isla markaana uu qaraxaas ka badbaaday.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxas ka dhacay duleedka Muqdisho
Lasoco wixii kusoo kordha Insha Allaah