Ciidamo huwan ah oo howlgal ka sameeyay Shabeellaha Hoose

0
471

Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo duleedka degmadaas.

Howlgalkaas ayaa ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM kiu leeyihiin degmadaasi Qoryooleey.

Dadka degmada Qoryooley ayaa waxaa ay ku warameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weeydaar sanayeen labada dhinac ee dagaalamay,hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo saakay hore ay soo bilaabeen,sidoo kalena mararka qaar la maqlayo rasaas ka dhaceysa Goobta ay howlagllada ka socdaan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM weli dhankooda kama hadlin dagaalkii ka dhacayd egamda Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo Maanta ay ka wadaan degmadaasi iyo deegaannada hoostaga.