Kuxigeenka Hanti dhowrka Guud oo si KMG ah loogu wareejiyay xilka

0
677

Kuxigeenka Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa maanta si KMG ah loogu wareejiyay xilka, kaddib munsaabad maanta dhacday, iyadoo xilka uu la wareegay, iyadoo uu goobta ka maqnaa Hanti dhowrihii xilka laga qaaday.

Xil wareejinta oo ka dhacday xafiiska Hanti dhowrka Guud oo ku yaalla Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Cadaaladda iyo Mas’uuliyiin kale.

Kuxigeenka Hanti dhowrka Guud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilka lagu wareejiyo, si howsha xafiiska aanay u hakan.

“Waxaa sharaf inoo ah in wasiirada ay ka soo qeybgalaan xil wareejinta xafiiska hanti dhowrka guud, xafiiskan howlihiisa waa ay badan yihiin,  inta ugu muhiimsan waa baarista hore iyo baarista dambe, baarista hore waxay tahay diiwaangelinta waarannada, heshiisyada maaliyadda, qandaraasyada, dalacaadda xilalka iyo xaqiiqsiinta,  kala wareejinta miisaaniyadda iyo diiwaangelinta baarista deeqada, baarista dambena waa xaqiijinta isticmaalka miisaaniyadda sanadka, baarista dhammaan hay’adaha dowladda, baarista daqliga iyo hay’adaha dowladda,  intaasina waa howlaha uu qabto xafiiska hanti dhowrka” ayuu yiri Cali Abukar

Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa kula dar daarmay Kuxigeenka Hanti dhowrka in xilka uu la wareegay uu u guto si cadaalad iyo daacadnimo ku jirto

Wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya ayaa isna dhankiisa halkaasi ka sheegay in Mudane Cali Abukar laga doonayo in howlaha u fududeeyo bulshada iyo sidoo kale hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Munaasabadaas xilka loogu wareejinaayay hanti dhowra ku xigeenka kama uusan soo qeyb galin Dr. Nuur Faarax oo dhowaan xilkaasi laga qaaday, ,lama oga sababta isagoo Muqdisho ku sugan uusan usoo xaadirin.