Madaxweynaha Puntland oo safar deg deg ah ku tegay Boosaaso

0
515

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin saakay waxaa uu  ku tegay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Safarkaan uu Boosaaso ku tegay Madaxweyne Deni ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu la xiriiro dhinaca Amniga,isla markaana uu kulamo ka bilaabayo Magalada Boosaso.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in uu Maanta la kulmi doono saraakiil dhinaca tababarka Ciidamada ka taageera Puntland,kuwaas oo ka socda dowladda Imaaraadka carabta oo ku sugan Boosaaso.

Magalada Boosaaso ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu amniga yar deegaannada Puntland,waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro iyo dilal ay mas’uuliyadooda ay sheegtaan Al-Shabaab iyo Daacish.