Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha shacabka ayaa markale waxa uu kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah.
Kulanka ayaa ahaa mid uu guddiga kaga dhagaysanaayay talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka guddoonka Golaha wakiilada puntland.
Guddiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Puntland ayaana guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay aragtiyadooda ku wajahan sharciga doorashooyinka qaranka.
Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.carab) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland iyo guddiga joogtada ah aragtiyadooda wanaagsan eek u aadan sharciga doorashooyinka qaranka,isagoona sheegay in ay kusoo dari doonaan talooyinkooda sharciga doorashooyinka qaranka ee uu guddiga diyaarintiisa uu gacanta ku haayo.
Gaba gabadii kulanka uu guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka la yeeshay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan.