Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo qaabilay Madaxda Hay’adda Tika

0
638

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa maanta Xafiiskiisa Ku soo dhaweyay,isku duwaha barnaamijka Tika ee Soomaaliya Mr Galip Yilmaz, ku xigeenka isku duwaha barnaamijka Tika ee Soomaaliya Mr Mutlu DEMIR, iyo caawiyaha isku duwaha barnaamijka xafiiska Tika ee Soomaaliya Mr Maxamed Nuur Maxamed.

Kullanka oo ay Goob joog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Mudane feysal Cumar Guuleed iyo Agaasimaha Tacliinta Sare Ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa looga Hadlay xoojinta Xariirka ka dhanka waxbarashada ee Soomaliya iyo Turkiga.

“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay isku duwaha barnaamijka Tika ee Soomaaliya Mr Galip Yilmaz, ku xigeenka isku duwaha barnaamijka Tika ee Soomaaliya Mr Mutlu DEMIR, iyo caawiyaha isku duwaha barnaamijka xafiiska Tika ee Soomaaliya Mr Maxamed Nuur Maxamed” ayuu yiri Wasiir dowladaha Waxbarashada.