Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub

0
537

Guddiga cusub ee doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa Maanta ay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kula kulmeen Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Midowga Yurub ee Magalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay qorshayaashooda Guddiga  ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland, iyada oo Guddiga warbixin la xiriirta arrintaasi ay u gudbiyeen Safiirka Midowga Yurub.

Afhayeenka Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa sheegay inay safiirka la wadaageen qorshaha uu guddigooda uu ku howlgeli doono, iyada oo guddiga uu dhawaan Xafiiska ay  la wareegay,kadib markii Guddigii hore ay is casileen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Safiirka ay warbixin dhameystiran ka siiyeen sida ay uga go’antahay hirgelinta barnaamijka loo igmaday ee ah doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland,kaas oo ay horay Guddiga hirgelintiisa u balan qaadeen.

Ugu dambeyn Afhayeenka Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq waxaa uu sheegay in safiirka uu Guddiga ku bogaadiyay sida ay howlaha u wadaan,isla markaana uu u balan qaaday in Midowga Yurub uu taageero buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland.