Dil ka dhacay Magalada Laas-Caanood & faah faahin kasoo baxeysa

0
590

Warraka laga helayo Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in NinĀ  hubeysan uu Bartamaha Magaaladaas ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamda Soomaaliland,sidoo kalena uu ku dhaawacay qof Shacab ah.

Ninka hubeysan ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu rasaas ku furay askariga la dilay ee ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliland,kadib muran dhexmaray,waxaana rasaastaas sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray qof Shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka hubeysan ee falka dilka iyo dhaawaca ah geystay uu isagana ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliland,isla markaana dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland ee Magaalada laas-Caanood ayaa Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Punland waxaa ay u sheegeen inay ku raad joogaan Ninka hubeysan ee ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliland,isla markaana cadaaladda ay horkeeni doonaan.

Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay ka mid tahay Magaaloyinka ugu amniga xun Gobolka Sanaag,waxaana mararka qaar ka dhaca dagaalo dhexmara Ciidamada Soomaaliland iyo dadka Shacabka ah oo diida amarada kasoo baxa Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.