Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb & Ammaanka oo la adkeeyay

0
545

Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo inay gaaraan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.

Shalay waxaa Dhuusamareeb tagay qaar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo,kuwaas oo diyaarado looga qaaday Mgalada Muqdisho & Kooxda Habmaamuuska Madaxweynaha,kuwaas oo diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha.

U jeedka ugu weyn ee wafdiga Madaxweynaha ay u tagayaan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu gelinka dambe ee Maanta oo Isniin ah uu soo xiro Shirka Dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug, kaas oo in ka badan 10 Cisho ka socda Magalada Dhuusamareeb.

Ammaanka  Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay sigaar ah Xarumaha Dowladda,waxaana sidoo kale wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay mararka qaar baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ku sugan Magalada Dhuusamareeb.