Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo si weyn loo adkeeyay

0
545

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Caawa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee dhawaan la geeyay Magalada ayaa Caawa ku sugan inta badan Isgoyska Magaalada iyo Wadooyinka laga soo galo.

Waxaa sidoo kale si weyn loo adkeeyay Ammaanka Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Ciidanka ku sugan lagu kordhiyay Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu taggo Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha maamulka Galmudug.