Kenya oo qaaday tilaabo hor leh oo ku aadan Muranka badda

0
487

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay raadineyso heshiis ka baxsan maxkamadda Caalamiga ah ICJ ee Muranka badda  Soomaaliya iyo Kenya  usbuuc ka dib markii maxkamadda cadaaladda ee Qaramada Midoobay ay ogolaatay codsigeedii ahaa in dib loo dhigo kiiska.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in ay raadin doonto in xal waara laga gaaro Muranka badda ka hor inta aan dib loo furin Maxkamada laba bil ka dib , islamarkaana ay socdaan dadaallo dhex dhexaadin ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ku howlan tahay sidii loo heli lahaa meel ka baxsan Maxkamadda si loo gaaro xal buuxa.

Dowladda ayay sheegtay in ay waddo Wadaxaajood kala duwan oo lagu soo afjarayo dhibaatooyinka ka dhashay muranka badda , iyadoo aan la aadin Maxkamadda.

“Xal waara waa in laga garaa Muranka, Waxaan door bidnay xalka wadahadalka. ” ayay tiri Monica Juma.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda ay Kenya doonayso waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.