Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga

0
514

Safiirka Cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacaawday dalka Mareykanka ayaa Warqadihiisa danjiranimo waxaa looga Guddoomay Magalada Washington ee dalka mareykanka, iyada oo mudo ku dhow laba Sano ay Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi laheyn wax safiir ah.

Cali Shariif Axmed  Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka waxaa 17-kii Bishii July ee Sanadkaan  Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana intaasi ka dib la diyaariyay bixitaankiisa.

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday Washington Amb. Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa ka guddoomay kuxigeenka Madaxa Protocol-ka Wasaaradda Mary-Kate Fisher.

Cali Shariif ayaa horay u ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ka hor inta aan xilkaasi laga qaadin oo aan loo dhiibin Cabdixakiin Camey.