Cyril Ramaphosa Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqay in uusan ka qeybgeli doonin shirka guud ee Qaramada Midoobey dabayaaqadan bishan ka dhacaya magaalada New York.
Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay inuu diiradda saarayo xal u helidda dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka dhashay in la beegsado dadka ajaaniibta ah ee ku sugan dalkaas iyo weerarada lagu hayo dumarka.
“Waxaa uu go’aansaday in uusan ka tegin dalka si uu Koonfur Afrika uga dhaqan geliyo tallaabooyinka deg deg ah ee dib loogu soo celinayo xasiloonida deegaanada ay saameeyeen rabshadaha si dhaqaalaha loo xoojiyo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha uu ballan qaaday inuu dhibaatooyinka uu wax ka qaban doono si gacan bir ah loogu qabto dambiilayaasha dhibaatooyinkaas ka dambeeyo.
Kooxo hubeysan oo Careysan ayaa dhawaan xoojiyay beegsiga ay ku hayaan Ajaanibta ku sugan dalka Koonfur Afrika ee leh goobaha ganacsiga.