Howlgallo ka socda duleedka Magalada Marka

0
685

Ciidamada Dowladda Soomaaliya  gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ayaa waxaa ay Maanta howlgalla kala duwan ka wadaan agaarka degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose,halkaas oo ay Saldhigyo ku leeyihiin xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo xalay soo bilaawday ayaa intii uu socday waxaa jirtay in xalay agagaarka degaanka Jilib Marka uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab,dagaalkaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo hwolgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay Warbaahinta Dowladda u sheegeen inay dileen  ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana sidoo kale ay kala wareegay Hub iyo Saanad Millitari.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen inay  weli halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,xilli Maalinta burrito ah uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku wajahan yahay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.