Odayaal baaq kasoo saaray Colaada Gobolka Galgaduud

0
519

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa kulan ku yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaannada Galmudug,kuwaas oo si kulul uga hadlay colaad Beeleed kasoo cusboonaatay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Odayaasha oo kasoo kala jeeda Dhinacyadda ay dirirtu ku dhexmartay deegaano hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku baaqeen in dagaal beeleedyadaas la joojiyo,isla markaana wixii tabasho ah wada-hadal lagu dhameeyo.

Qaar ka mid ah Odayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay bilaabi doonaan dadaalo nabadeed oo ku aadan sidii xal buuxa looga gaari lahaa colaada kusoo laab laabatay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

Shalay ayaa waxaa deegaan duleedka ka ah degmada Balanbale dagaal uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beelood oo horay dilal aanooyin qabiil ah uu ugu dhexmaray deegaano hoostaga degmooyinka Guriceel iyo Balanbale,waxana dilalkaas iyo dagaaladii dhacay ku geeriyooday in ka badan 5 Ruux.