Mexico Oo Ka Soo Baxday Heshiis Ay La Gashay Mareykanka

0
614

Mexico ayaa sheegtay inay 56% wax ka qabatay tirada muhaajiriinta aan la diwaangelin ee u gudbaya xadka Mareykanka tan iyo May.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalkaas Marcelo Ebrard ayaa shir jaraa`id oo ay dowladdu qabatay kaga dhawaaqay hoos u dhaca tirada muhaajiirinta.

Labada dal ayaa bishii June isku raacay howlgal 90-maalmood soconaya oo lagu yareynayo qulqulka muhaajiriinta u gudbaya xadka Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuuraha ku kordhin doono dabeecada ka timaadda Mexico haddii aysan wax ka qaban arrintaasSaraakiil, u ku jiro Mr Ebrard, ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda u safraan Washington si ay ugala hadlaan dadaallada ay wadaan.