Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii hore ee Zimababwe Robert Mugabe.
Kenyatta waxaa ku tilmaamay halgamaa usoo dagaallamay xoriyadda iyo mideynta Afrika kaaso oo kasoo kaalin weyn ka qaatay xoojinta danaha qaaradda.
“Waxaan ku xusuusan doonaa Mugabe geesinimadiisa isla markaasna uusan weligii ka cabsan inuu dagaal u galo ka dhabeynta waxa uu rumeysnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Kenyatta.
Dhanka kale, madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa sheegay in Afrika ay waaysay mid kamid ah hogaamiyeyaasha ugu halyeysan ee ka hor yimid dhaqdhaqaaqyadii guumeystaha.