Dhageyso:-Dowladda Somalia oo ka hadashay Go’aanka Maxkamada ICJ

0
488

Maxkamadda Adduunka Ee ICJ ayaa muddo  Laba Bilood ah  dib u dhigtey dhageysiga Dacwada Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya,waxaana Go’aanka Maxkamada ka hadlay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aankaas qaadatay kadib markii ay eegtay codsigii ka yimid Soomaaliya iyo jawaabtii Soomaaliya ka bixisay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay Go’aankaas,isla markaana ay u arkaan Kenya mudada la siiyay mid dhibaato aan ku aheyn Soomaaliya,sidaasi daraadeedna ay soo dhaweynayaan.

Kenya ayaa horey u dalbatey in 12 bilood dib loo dhigo balse maxkamadda ayaa sheegtay in 2 bilood dib loo dhigey,waxaana Soomaaliya ay ku adkey saneysaa in marnaba aysan wax isbedel ah ku sameyn doonin mowqifkooda ku aadan dacwadda Badda ee  ala dhaxeysa Kenya.