Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo Golaha Wasiirada

0
818

Kulan ay isugu yimaadeen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada siyaasaddeed ee Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha ayaa waxaa looga hadlay xaalada cakiran ee ka jirta Golaha Wasiirada.

Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ayaa soo jeediyay talooyin iyo baaq ku aadan magacaabistii Golaha Wasiirada, iyagoo sheegay in Xukuumadda la soo magacaabay ay u arkaan in aysan aheyn tii shacabka sugayay, kana hooseysa himiladii iyo hankii shacabka.

Sidoo kale Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ayaa sheegay in dhismaha Golaha Wasiirada aan lagu jaangoyn hanaanka saami qeybsiga beelaha, isla markaana aanay Xukuumaddan ku imaan talo wadaag iyo tixgelin rabitaanka shacabka.

Isbaheysiga ayaa sheegay in soo xulista Golaha Wasiirada ay ka muuqato nin jecleysi iyo qaraabo kiil, taasoo ay xuseen inay ka mid aheyd sababihii dumiyay dowladdii Dhexe.

War saxaafadeed Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ka soo saareen kulankooda kaddib ayaa waxay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in dib u eegis lagu sameeyo Golaha Wasiirada.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka ay soo saareen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda