Madaxweynaha Soomaaliland oo gaaray dalka Jabuuti

0
552

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno Wasiiro ah oo la socda ayaa waxaa ay  gaareen dalkaasi jabuuti, iyada oo siweyn halkaasi Maanta loogu soo dhaweeyay.

Garoonka Diyaaradaha Magalada jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliland Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabduqaadir Kaamil Maxamuud iyo Xubno kale.

Ujeedada safarka madaxweynuhu waxaa lagu sheegay  xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.