Maamulka Soomaliland ayaa Maanta dib ugu celiyay Wasiiru-dawlaha caafimaadka Puntland Sayid Cumar gaari uu leeyahay, kadib markii uu kala soo baxday Nin Dhalinyaro ah oo ay ehel ahaayeen
Gaariga ayaa mudo hadda laga joogo lix Cisho ah waxaa lagu qabtay magaalada Berbera,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland ay sheegeen in Shaqsiga Gaariga la soo baxsaday uu doonayay in ku iibiyo Gudaha deegaano ka tirsan Soomaaliland.
Maanta ayaa Gaarigaas waxaa ku kala wareegay Somaliland iyo Puntland mas’uuliyin ka kala socday,xilli ay ku kulmeen deegaannada xadka ah ee dhinaca gobolka Sool.