Baarlamaanka Jubbaland ayaa kulan ka yeeshay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo iyo afduubka Wasiirka amniga Jubbaland, waxaana ay sheegen in dhibaato badan ay soo gaartay Shacabka Magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ugu baaqayaan in Garoonka laga qaado Xayiraada si dadka Shacab ay u helaan.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan shaqeyn Garoomadda Qaarkood, maadaama diyaaradii ka duusha Kismaayo ay toos u aado Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa xusay in dowladda dhexe aysan Cunaqabateyn Siyaasiyiin laakiin ay Cunaqabateysay Shacabka kunool deganada maamulka Jubbaland