Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa Magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan maanta si rasmi ah uga daahfuray dhismaha golaha degaankaasi.
Tilaabaddan ayaa timid ka dib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay Magaalada uu ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshadda.
Waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle ay dadaal badan ku bixin doonaan dhismaha golaha degaanka degmooyinka Hirshabeelle.
Waxaa uu ka codsaday bulshadda in ay fahmaan Ahmiyadda ay u leeyihiin horumarinta Golaha degaanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa dhankiisa sheegay in Buulo burde ay noqon doonto degmadii labaad ee laga hirgalin doono Golaha degaanka.