Xayiraadii dowladda ee Kismaayo oo saameysay degmooyinka kale Jubbaland

0
580

Xayiraadii dhawaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay saartay Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa saameysay dhammaan degmooyinka Garoomada leh ee ku yaalla Jubbaland.

Qaar ka mid ah Shacabka kunool degmooyinka Jubbaland iyo Shirkaddaha diyaaraddaha ayaa sheegay in aysan shaqeyn Garoomadda Qaarkood, maadaama diyaaradii ka duusha Kismaayo ay toos u aado Magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in ay waayeen diyaaradihii aadi jiray Gobolada Sidda Dowlo, Garbahaarey iyo Doobley.

Shirkaddaha diyaaraddaha ee Xafiisyadda ku leh Kismaayo ayaa dhankooda sheegay in saameyn ay ku yeelatay Xariyaaradda dowladda, waxana ay ku baaqeen dowladda dhexe in ay qaado Xayiraada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan kusoo rogtay Amar Shirkaddaha Diyaaraddaha ee Aada Magaalada Kismaayo, waxaana ay waajib uga dhigtay in ay soo maraan Muqdisho.