Alshabaab oo biyo dhaamin ka sameeyay gobolka Mudug iyo Sh/hoose

0
929

Wararka ka imanaya deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Sh/hoose ayaa sheegaya in Ururka Alshabaab uu ka bilaabay qaar kamid gobolada ay maamulaan inay biyo u qeybiyaan  deegaano iyo tuulooyin ay ka jiraan abaaro daran.

Maamulka Al Shabaab ee gobolada Mudug iyo Shabeelaha Hoose ayaa bilaabay in biyo dhaamin ay u sameeyaan dadka ku dhaqan deegaanada miyiga ay saameeyeen abaaraha xoogan ee dalka ka jira.

Deegaanada Al Shabaab biyo dhaaminta ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Deegaanada Jowle iyo Dumaaye oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Sh.Hoose ,waxaana deeganadaasi ku dhaqan dad ay saameesay abaarta.

Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Mudug Sheekh Abuu Cadnaan ayaa sheegay in tuulooyin badan gaarsiiyeen biyo , waxa uuna tilmaamay in ay sii wadayana u gurmashada dadka ay abaaraha saameeyeen.

Al Shabaab ayaa ka wada deeganada ay kataliyaan in ay gurmadaan dadka ay abaarta saameysay, waxaana abaarta Soomaaliya hada ka jirta ay gaartay in dadku u dhintaan haraad iyo baahi, iyadoona horey u dhamaadeen xoolihii ay dadku heesteen.