SAWIRO:-Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo gaaray Buulo-Burde

0
508

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabelele Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo safar dhinaca cirka ah ku tegay Buulo-Burde ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabelle,Maxamed Cali Caadle,Xuldhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle ayaa Risaala u xaqiijiyay u jeedka Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle uu u tegay Buul-Burde ay qeyb ka tahay in uu Xariga ka jaro Mashaariic Horumarineed oo laga fuliyay Degmada Buulo Burde.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa inta uu ku sugan yahay Buulo-Burde waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,kulamadaas oo looga hadli doono arrimaah horumarinta degmada.