Howl gal cir iyo dhul ah oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya Jubbooyinka

0
891

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garow dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in maalamaha soo socda uu bilaaban doono howl gal ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka.

Howl galkan oo muddooyinkii u dambeeyay diyaar garowgiisa laga dareemayay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inuu yahay mid isugu jira cir iyo dhul, iyadoo ay ka qeyb qaadan doonaan diyaarado dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado jawi hoose ku duulaya ayaa xalay illaa shalay lagu arkayay duleedyada Kismaayo iyo deegaanada Al-Shabaab ka taliyaan.

Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryaha ayaa la ogeyn dalalka laga leeyahay, balse waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan gulufka dagaal ee Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.

Howl gallo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya iyo Ciidamo mareykan ah oo diyaarado ay taageerayaan ayaa todobaadyo ka hor ka dhacay deegaano u dhow degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa Gobolka Jubadda Dhexe, waana gobolka kaliya ee ay si guud degmooyinkiisa u maamusho, waxaana la sheegaa inuu yahay gobolka ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.