Xalaad jahawareer leh ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dhuusamareeb halkaasoo saaka ay wararku sheegayaan in ay gaareen diyaarado ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dawladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo ka tegay magaalada Muqdisho.
Janeraal Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlayay BBC-da waxaa uu sheegay in xiisad u dhaxey ciidamada Dowladda ay geysay Dhuusamareeb iyo kuwa Ahlusunna ay Maanta ka taagan tahay Magalada Dhuusamareeb.
Waxaa uu sheegay isaga oo ku sugan degmada Guriceel oo uu waayadaan ku noolaa in Ahlusunna ay ka careysan tahay heshiiskii ay la galeen dowladda oo qodobada qaar aan la fulin iyo Ciidamada ay dowladda ku daad-gureyneyso degmada Dhuusamareeb.
Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray inay soo gaartay war la xiriira in Cidamo iyo Saraakiil ka tirsanaa Ahlusunna ee saakay la doonayay in Muqdisho loo qaado ay diideen,isla markaana ay xiryahooda dib ugu laabteen.
Labada dhinac ayuu ugu baaqay inay xaalada ka dhigaan mid degan si looga baaqsado dagaal,waxana uu sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay Dhuusamareeb u wajahayaan qorsho la xiriira sidii ay ku soo noqon lahaayeen doorashada soo socota.
Weli ma cadda sababta askartaas loo geeyey Dhuusamareeb, dawladdana kama aysan hadlin, hase yeeshee waxay arrintaasi dareen galisay maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo sida la sheegayo dhaqdhaqaaqyo ciidan halkaas ka wada.