Xaflad uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay kamid ah Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo koox fanaaniin ah oo halkaasi ku soo bandhigay suugaan ku aadan guubaabada ciidamada iyo taliyaha xilka loo magacaabay.
Taliyaha Cusub Jeneraal Odawaa Yuusuf oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in uu xoogga saari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in uu si deg deg ah dalka uga saari doono Al-Shabaab, islamarkaana la xoojin doono howlgallada uu sheegay in ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab.
Odawaa ayaa ugu dambeyntii xusay in uu kaashan doono tallada Saraakiishii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana uu howlgalin doono dhalinyarada kusoo biirtay Ciidanka.