Ilhan Cumar oo ka hadashay Burburuntii Xarunta Hormuud baaqna u dirtay DFS

0
611

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Golaha Wakiilada ee Koongareeska dalka Mareykanka ayaa cambaareysay burburintii ay Ciidamada Kenya u geysteen Xarun ay ku laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM looga bahaan yahay inay ilaaliyaan Xarumaha Shirkadda Hormuud iyo guud ahaan Shirkadaha kale oo kordhiyay dhaqaalaha dalka.

”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Somalia adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomalia tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Somalia ayay tiri Ilhan Cumar.

Ciidamada Kenya ayaa in ka badan 10 jeer waxaa ay burburiyeen Xarumo ay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ku leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud,waxana dhacdadii u dambeysay dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso.