Amarkii Maamulka Jubbaland oo ka dhaqan-galay Kismaayo

0
506

Waxaa magaalada Kismaayo maanta ka dhaqan-galay amar uu xalay maamulka Jubaland ku xiray dhanmaan goobaha laga soo galo magaalada, haddii ay ahaan lahayd cirka, dhulka iyo badda.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli maalinta berri ah lagu wado in doorashada madaxtinnimada maamulkaasi ay ka dhacdo magaalada Kismayo, iyadoo weli uu taagan yahay khilaaf ballaaran oo keenay in kooxaha mucaaradku ay iyagana ku dhawaaqaan in isla maalintaas ay dooranayaan madaxweyne.

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa diyaar garoowga doorasahda,waxaana Kismaayo ku sugan Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo goobjoog ka noqon doona doorashada.